Arsenal oo isku dayday inay raadiso bedelka Arsene Wenger – balse maxaa usoo baxay?

0
1325

Guddoomiyaha kooxda Arsenal Ivan Gazidis ayaa wuxuu u caddeeyey taageereyaasha kooxdiisa Arsenal inuu raadiyey tababare cusub oo uu ku bedelo Arsene Wenger intii lagu jiray dhammaadkii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, Ivan Gazidis wuu ku guuldarreystay inuu soo helo tababareyaal ka wanaagsan Arsene Wenger markii uu eegay liiska macalimiinta u sharraxan xilkaan.

Tababare Arsene Wenger ayaa 20 sanno leylinaayey Arsenal, laakiin cadaadis badan ayaa saarnaa dhammaadkii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ka dibna wuxuu hantay koobka FA Cup taasoo keentay in qandaraas kordhin laba sanno ah uu saxiixo bishii May ee sannadkaan, inkastoo ay Arsenal ku dhammeystay meel ka baxsan afarta kaalin ee sarre ee horyaalka England Premier League markii ugu horreysay taliska Wenger.

Arsenal ayaa guul 4-3 ah ku furatay horyaalka England Premier League iyadoo Jimcadii ka badisay Leicester City, sidaas darteed waxay ku han weyn yihiin inay xilli ciyaareedkaan ku guuleysan karaan koobka EPL markii ugu horreysay tan iyo 2004tii.

Ivan Gazidis wuxuu u sheegay Sky Sports: “Waan raadiyey bedelka Wenger, laakiin waxaan waayey tababareyaal ku habboon kooxdeena oo bedeli kara, liiskii xilkaan isku soo sharraxay khibrad badan ma laheyn, sidoo kale uma arkin kuwo horay usii wadi kara kooxda”.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan