Aubameyang Oo Si Rasmi Ah U Noqday Ajinabiga Ugu Goolasha Badan Kooxda Dortmund Taariikh Ahaan

0
777

 

Pierre-Emerick Aubameyang  ayaa safka hore kasoo galay buuga diwaanka iskoorada kooxda Dortmund lagu qoro.

Aubameyang ayaa si rasmi ah ugu noqday ajinabiga ugu goolasha badan taariikhda kooxda Dortmund kadib markii galabta uu sedexley dhaliyay.

Ka hor kulankii galabta Aubameyang wuxuu labo gool ka hooseeyay halyee Stephane Chapuisat oo ahaa cayaaryahanka aan Jarmalka ugu dhalinin ee ugu goolasha badan Dortmund asigoo kooxdan u dhaliyay 122-gool.

Aubameyang oo Dortmund horey ugu dhaliyay 121-gool ayaa naadiga Rielasingen-Arlen galabka sedex gool ka dhaliyay cayaratii Dortmund 4-0 guusha ku qaadatay German Cup.

Aubameyang haatan kooxda Dortmund wuxuu u dhaliyay 124-gool sidaasna wuxuu ku noqday ajinabiga ugu goolasha badan kooxdan faca weyn.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan