Barcelona Oo Qarka U Saaran Inay Manchester United ka Afduubato Xiddig Lagu Qiimeeyo 48 milyan

0
3513

Barcelona ayaa si aad ah isugu dayeysa inay hesho bedelka Neymar , oo ku biiray kooxda Paris Saint-German ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Ciyaartoy dhowr ah ayaa lala xiriirinayay kooxda Barcelona, laakiin waxaa lama filaan noqtay in ay u dhaqaaqdo xiddiga bartilmaameedka u ah kooxda Manchester United ee Ivan Perisic.

Sida laga soo xigtay Express, Catalans ayaa haatan indhaha ku heysa Perisic okadib markii ay ku fashilmeen Philippe Coutinho.

Inter ayaa ku dooneysa 48 milyan oo ginni ciyaaryahanka, Barcelona ayaana si dhaqso ah u heli karta lacagtaas si ay kaga dhigto xiddigaan bedelka Neymar.

Manchester United ayaa lala xiriiriyay ciyaaryahanka garabka kaga ciyaara Inter Milan tan iyo bilowgii xagaagan.

Jose Mourinho ayaa sidoo kale si cad u sheegay inuu doonayo xiddigaan garabka ka ciyaara ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Waxaa la aaminsan yahay in heshiiska la isku fahmi waayay labadii toddobaad ee la soo dhaafay, laakiin wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Barcelona dooneyso ciyaaryahankaan in ay ka afduubtaan Manchester United.

Barcelona ayaa sidookale isku dayaysa inay heshiis la gaarto Coutinho ama Ousmane Dembele, Lakiin labada kooxood ee ay ka tirsan yihiin ciyaartooydaan ama doonayaan in ay iibiyaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan