Burnley oo kooxda Chelsea 3-0 ku hoggaaminaysa qeybta hore, xilli Blues kaarka cas laga qaatay… + SAWIRRO

0
435

Kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League ee Chelsea ayaa garoonkeeda ku soo dhawaysay galabta naadiga Burnley kulanka furitaanka horyaalka Premier League 2017-18.

Laakiin nasiib darro waxaa kaarka cas ka qaatay kabtankeeda cusub ee Gary Cahill bilowgii ciyaarta taasoo keentay in ciyaarta lagu kala nasto Blues oo lagu hoggaaminayo 3-0.

Kabtan Cahill ayaa kaarka cas loo taagay 14-kii daqiiqo ee ugu horreeyey kulanka ka soconaya garoonka Stamford Bridge, kaddib markii uu si xun qalad ugu galay Steven Defour.

Laakiin labo gool oo uu dhaliyey Sam Vokes iyo mid uu ansixiyey Stephen Ward ayaa lagu kala nastay iyadoo ay ku gacan sarreysay Burnley qeybta hore ee dheesha.

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan