Cayaaraha Degmooyinka: Warta Nabada Oo Ay Ka Naxsatay C/Casiis Halka Wadajir Iyo Kaaraan Dhibcaha Wadaageen

1
646

 

Waxaa galabta la cayaaray kulamo ka tirsan Guurub D cayaaraha kubada cagta degmooyinka gobolka Benaadir.

Galabta kulankii xiisaha badnaa ee dhex maray Warta Nabada iyo Cabdi Casiis waxaa 2-1 guusha ku qaadatay Cabsi Casiis cayaartana waxaa lagu cayaaray garoonka Jaamacadaha ee ku yaalo degmada Hodan

Warta Nabada waxay leeyihiin sedex dhibcood ayagoo labo kulan cayaareed sidoo kalena Cabdi Casiis iyagana sedex dhibcood ayay leeyihiin waxayna cayaareen labo kulan.

Kulanka labaad galabta waxa bar bar dhac 1-1 ku kala baxeen Wadajir iyo Kaaraan oo min hal dhibic kala qaateen.

Wadajir waxay haatan leeyihiin hal dhibic labada kulan ay cayaareen balse Kaaraan guruub D ayay hogaanka u qabteen madaama ay leeyihiin 4-dhibcood labada kulan ay cayaareen.

Kulankii Wadajir iyo Kaaraan 1-1 ku kala baxeen waxaa loo dhigay riigoorayaal oo ay guusha ku qaateen Wadajir sidaasna waxaa lagu siiyay koob lagu maamuusayay maalinta dhalinyarada aduunka.

SHARE

Hal aragti

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan