Chelsea oo ka walwal qabta in aysan jirin koox iibsaneysa Diego Costa balse sababtu maxay tahay?

0
1485

Chelsea ayaa waxay cabsi badan ka qabtaa inay weyso koox ka iibsata gooldhaliyaha shushubka ah ee reer Spain Diego Costa kaasoo laga raacdeeyey kooxda koowaad ee Chelsea.

Kooxda difaacaneysa horyaalka England Premier League ayaa waxay aaminsan tahay in xiddiga heerka caalami ee dalka Spain aysan jirin liis kooxo badan oo diyaar u ah inay iibsadaan.

Sababtana waxay Chelsea ku sheegtay inuu Diego Costa aad u cayilay intii lagu jiray laba bilood oo fasax ah oo uu kusoo qaatay dalkiisa uu asal ahaan u dhashay ee Brazil.

Costa kama uusan mid aheyn ciyaartoydii Chelsea ee ka qeyb qaatay ciyaaraha saaxiibnimo, waxaana ay taasi ka dambeysay ka dib markii uu tababare Antonio Conte u sheegay in uusan mustaqbal ku laheyn Blues.

Laakiin Chelsea waxay ka shakisan tahay in kooxaha Atletico Madrid iyo AC Milan aysan xitaa diyaar u aheyn inay iibsadaan Costa maadaama uu aad usoo cayilay xagaagaan.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan