EPL: Kooxda Burnley ee Chelsea oo labo xiddig ay kaarka cas ka qaateen ku garaacday Stamford Bridge & Natiijooyinka kulamadii kale + SAWIRRO

0
1108

Kooxda xafidanaysa horyaalka Premier League ee Chelsea ayaa garoonkeeda ku soo dhawaysay galabta naadiga Burnley kulanka furitaanka horyaalka Premier League 2017-18.

Laakiin nasiib darro  waxaa looga badiyey 3-2, kaddib markii ay labo ciyaaryahan kaarka cas ka qaateen Blues.

Chelsea waxaa kaarka cas ka qaatay kabtankeeda cusub ee Gary Cahill bilowgii ciyaarta taasoo keentay in ciyaarta lagu kala nasto Blues oo lagu hoggaaminayo 3-0.

Kabtan Cahill ayaa kaarka cas loo taagay 14-kii daqiiqo ee ugu horreeyey kulanka ka soconaya garoonka Stamford Bridge, kaddib markii uu si xun qalad ugu galay Steven Defour.

Laakiin labo gool oo uu dhaliyey Sam Vokes iyo mid uu ansixiyey Stephen Ward ayaa lagu kala nastay iyadoo ay ku gacan sarreysay Burnley qeybta hore ee dheesha.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Chelsea ayaa la timid labo gool laakiin guuldarro kama badbaadin oo waxaa looga badiyey 3-2.

Saxiixa cusub ee Chelsea Alvaro Morata oo bedel ku soo galay ciyarta ayaa gool dhaliyey midna dhigay, waxaana uu sidaas ku ansixiyey Morata goolkiisii ugu horreeyey ee horyaalka Premier League.

Blues waxaa kaarka cas ka qaatay markale 81’daqiiqo Cesc Fabregas, kaddib markii loo taagay kaarkiisa labaad ee digniinta kaddibna loo raaciyey kaarka cas.

Kooxda Chelsea waxaa goolka labaad u dhaliyey 88’daqiiqo difaacooda David Luiz, kaddib markii uu dhammaystiray kubad uu madax ugu wareejiyey Morata, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 3-2 looga adkaaday Blues.

Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ayaa guuldarro ku bilaabatay horyaalka xilli ciyaareedkan 2017-18, halka Burnley ay xareysatay saddexdeedii dhibcood ee ugu horreeyey horyaalka xilli ciyaareedkan.

GOOLASHA

SAWIRRO:

KULAMADII KALE EE LA CIYAARAY HORYAALKA PREMIER LEAGUE GALABTA IYO NATIIJOOYINKII KA SOO BAXAY:-

FT Watford 3 – 3 Liverpool

FT Crystal Palace 0 – 3 Huddersfield Town

FT Everton 1 – 0 Stoke City

FT Southampton 0 – 0 Swansea City

FT West Bromwich Albion 1 – 0 AFC Bournemouth

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan