Frank Lampard oo la barbardhigay Sead Kolasinac xiddig hore ugu soo ciyaaray Chelsea – balse waa kuma?

0
2506

Halyeeyga Chelsea Frank Lampard ayaa wuxuu sheegay in saxiixa cusub ee kooxda Arsenal Sead Kolasinac uu soo xusuusiyey qaab ciyaareedka daaficii hore ee Blues ay u wada ciyaari jireen Branislav Ivanovic.

Halyeeyga reer England Lampard ayaa wuxuu sheegay inuu la dhacay qaab ciyaareedka daafaca Arsenal Kolasinac durba, gaar ahaan kulankii Axadii ay Arsenal guusha ka gaartay Chelsea ee finalka FA Community Shield.

24 sanno jirkaan ayaa dhaliyey goolka barbardhaca ee Gunners, wuxuuna kooxdiisa ka caawiyey inay guul ka gaarto Chelsea. Lamps ayaana si gaar ah u ammaanay Kolasinac oo Arsenal beeca xorta ah uga soo biiray kooxda Schalke.

Halyeeyga Chelsea ayaa wareysi uu siiyey Arsenal Fan TV wuxuu ku yiri: “Sead Kolasinac wuxuu isoo xusuuiyey Ivanovic. Waan ogahay inuu lugta bidix ku ciyaaro, laakiin wuxuu Ivanovic uga egyahay xooganaanta. Waa ciyaaryahan awood badan, waana hubaa inay jeceyl u qaadi doonaan taageereyaasha Arsenal.

“Waa nuuca ciyaaryahan ee ay Arsenal u baahneyd. Ivanovic waxaan xusuustaa inuu tababarka uga ooyin jiray ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin xitaa, sidaas darteed Arsenal waxay heshay ciyaaryahan xoog badan oo qadkeeda dhexe iyo daafacaba xoojin kara, wuxuuna u yahay saxiix wanaagsan”.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan