Goolhaye Gigi Buffon Muxuu Ka Yiri In Dybala Lambarka 10-aad Xiran Doono

0
862

Paulo Dybala waxay kooxda Juve siisay maalmo ka hor lambarka 10-aad ee kooxdaan aadka ugu weyn asigoo aqbalay xirashada lambar ragga badan ka cabsadeen inay qaataan.

Hadaba goolhaye Gigi Buffon oo ah kabtanka kooxda Juve ayaa ka hadlay in La Joya qaatay lambarka 10-aad.

Gigi Buffon wuxuu yiri “Dybala wuu u qalmaa xirashada lambarka 10-aad, waa arin wanaagsan sidoo kalena masuuliyad dheeraad ah aya garbihiisa kori doonto”

“Cayaaryahan sida Dybala oo kale u xirfad wanaagsan inuu lambarka 10-aad Juve xirto ayaa sharaf ah, ma aqaan inuu jiri karo cayaaryahan kale oo kaga wanaagsan xirshada lamabarkaan nagu weyn”

Dybala habeen dambe ayuu soo xiran doonaa lambarja 10-aad kulanka Super Cup-ka Talyaaniga ee kooxda Juve la cayaari doonto naadiga SS Lazio.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan