Goormuu Garoomada Kusoo Laaban Doonaa Daafaca Kooxda AC Milan Alessio Romagnoli?

0
620

 

Taageerayaasha AC Milan waxay ku riyoonayaan mar un inay garoonka isla galaan labada daafac ee aan kala dhicin Alessio Romagnoli iyo Leonadro Bonnucci.

Balse midaas dhawaanahan ma dhici doonto madaama Alessio Romagnoli weli uu garoomada kaga maqan yahay dhaawac dhanka jilibka ah.

Wargeyska Quotidiano Sportivo  ayaa sheegay in Romagnoli uusan cayaari doonin furitaanka Serie A-da Talyaaniga cayaarta Milan wajhi doonto naadiga Crotone.

Hada waxaa la sadaalinaa in Romagnoli uu garoomada kusoo laaban karo marka laga soo laabto kulamada isreeb reebka koobka aduunka ee la cayaari doono horaanta bisha September.

Macalin Montella ayaa rajo wanaagsan ka muujinaayo in Romagnoli uu kooxda Milan dib ugu soo laaban karo 5-ta bisha September ee nagu soo fool leh.

Maqnaan shaha Romagnoli waxaa siweyn kaga faa’iideestay daafaca Milan ku cusub Matteo Musacchio oo haatan kooxda si wacan ula qabsaday weyna adkaan doontaa in macalin Montella uu fariisiyo Musacchio marka Romagnoli garoomada dib ugu soo laabto.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan