Hadalka Kasoo Yeeray Aubameyang Waa Mid Rajo Wanaagsan Galiyay Kooxda AC Milan

0
631

 

Weeraryahanka reer Gabon Pierre-Emerick Aubameyang ayaa sheegay inaan meesha laga saari karin inuu kooxdiisa Dortmund isaga tagi karo inta uusan suuqa Yurub bishaan xirmin.

Waxaa la islahaa sheekada Aubameyang wey iska qabowday madaama dhawaan maamulka Dortmund shaaca ka qaadeen in xidigooda xagaagan bixi doonin.

Balse Aubameyang maankiisa wuu badalay wuxuuna yiri “Waan arkeynaa waxa dhaco inta suuqa furan yahay, waa xaalad adag balse wax walbo ey isbadali karaan”

Aubameyang ayaa sedexleey dhaliyay kulankii galabta Dortmund 4-0 ku xaaqday naadiga Rielasingen cayaar ka tirsan German Cup.

Aubameyang hadalka uu u sheegay Sky Sport Deutschland oo uu ku yiri in wax walbo dhici karaan wuxuu niyada u dhisay kooxda AC Milan oo liiska ku darsatay xidigaan weeraryahanada ay dooneyso.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan