Half Time: Kooxda EPL Ku Cusub Brighton & Hove Albion Oo Man City Ku Adkeesay Qaybtii Hore

0
394

 

 

Kooxda Brighton & Hove Albion ayaa ku adkeesay naadiga Man City qaybtii hore ee cayaarta kulan 0-0 lagu kala nastay.

Pep Guardiola kooxdiisa ayaa kubada heesatay 76% balse kaliya labo laad ayay xidigaha Man City goosha Brighton ku aadiyeen.

Naadiga horyaalka Ingiriiska xili cayaareedkan Brighton & Hove Albion ayaa dadaal wacan sameesay madaama qaybtii hore ay shabaqooda ka ilaashteen Man City oo weerar halis ah heesato.

Aguero iyo Jesus waxay awoodi waayeen inay daafacyada Brighton & Hove Albion dhaafaan wuxuuna Guardiola ku qasban yahay inuu qaybta labaad shaxdiisa wax ka badalo.

Guardiola waxaa kursiga keydka u fadhiyaan xidigo muhiim ah oo uu adeegsan karo qaybta labaad sida Raheem Sterling, Leroy Sane, Bernardo Silva, Yaya Toure iyo Eliaquim Mangala.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan