KASHIFAAD: Zinedine Zidane oo qorshe gaar ah u dejiyey Cristiano Ronaldo finalka labada lugood ah ee Supercopa de Espana

0
2561

Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu koobka Supercopa de Espana u isticmaali doonaa halkii uu sida wanaagsan isugu diyaarin lahaa xilli ciyaareedka horyaalka La Liga 2017 illaa 2018.

Ronaldo kama uusan mid aheyn kooxdii Real Madird ee isku soo diyaarisay Mareykanka, waxaana xusid mudan inay Los Blancos la’aantiis ku guuleysatay koobka UEFA Super Cup.

Real Madrid ayaa Axada ku ciyaari doonta Camp Nou Stadium kulanka lugta koowaad ee Supercopa de Espana, majaladda Marca ee dalka Spain ayaana ogaatay habka uu tababare Zinedine Zidane u qorsheyaano inuu u isticmaalo Ronaldo. Waxayna warbixintaani sheegeysaa inuu Zidane 45 daqiiqo ciyaarsiin doono Ronaldo kulanka lugta koowaad.

Cristiano ayaa 15 dqiiqo ciyaaray finalkii European Super Cup maadaama uusan si wanaagsan isugu diyaarin. Sidaas darteed kulanka lugta koowaad ee ay wajahayaan Barcelona waxaa la ciyaarsiin doonaa 45 daqiiqo.

Ka dibna marka la isku soo laabto kulanka lugta labaad ee Santiago Bernabeu Stadium wuxuu ciyaari doonaa 60 illaa 70 daqiiqo. Warbixintaan ayaana sheegeysa inuu Ronaldo 90 daqiiqo ciyaari doono kulanka furitaanka horyaalka La Liga ee ay Los Blancos wajaheyso Deportivo la Coruna.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan