Kooxda Barcelona oo la wareegtay Flop-kii hore ee Tottenham Paulinho

0
1811

Kooxda kubadda cagta Barcelona ee dalka Spain ayaa la soo warinayaa inay gacanta ku dhigtay saxiixa Flop-kii hore ee naadiga Tottenham Paulinho.

Barcelona ayaa gacanta ku soo dhigtay laacibka qadka dhexe ee xulka Brazil Paulinho kaa oo ay kula soo wareegeen 40 milyan oo euro oo u dhiganta 36.5 milyan oo gini.

Flop-kii hore ee Tottenham Paulinho oo ku sugnaa kooxda Guangzhou Evergrande ee ka ciyaarta horyaalka Shiinaha tan iyo 2015 ayaa waxaa bartilmaameedsanayay kooxda ka dhisan garoonka Nou Camp inta badan suuqa xaaaga iyadoona ugu dambeyn haatan dhammeystirtay saxiixiisa.

Paulinho ayaa 67 kulan oo uu u ciyaaray kooxda ka dhisan horyaalka Premier League ee Tottenham  labo sano oo uu la joogay u dhaliyey 11 gool, inkastoo uu markii dambe uu qiimo yar ku aaday Shiinaha sanadkii 2015-kii.

Halkaan hoose ka eeg kooxaha uu u soo ciyaaray Paulinho:-

2006–07: FC Vilnius

2007–08: LKS Lodz

2008–09: Pao de Açúcar

2009–10: Bragantino

2010–13: Corinthians

2013–15: Tottenham Hotspur

2015–17: Guangzhou Evergrande

2017-: Barcelona

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan