Kooxda Burnley oo galabta Rikoor wayn ku sameysay garoonka kooxda Chelsea ee Stamford Bridge!

0
661

Kooxda kubadda cagta Burnley ayaa kulankeeda furitaanka horyaalka Premier League 2017-18 waxa ay goolal ku hoggaaminaysaa Chelsea oo joogta garoonkeeda Stamford Bridge.

Kabtan Cahill ayaa kaarka cas loo taagay 14-kii daqiiqo ee ugu horreeyey kulanka ka soconaya garoonka Stamford Bridge, kaddib markii uu si xun qalad ugu galay Steven Defour.

Laakiin labo gool oo uu dhaliyey Sam Vokes iyo mid uu ansixiyey Stephen Ward ayaa lagu kala nastay iyadoo ay ku gacan sarreysay Burnley qeybta hore ee dheesha, taasoo ay rikoor cusub oo wayn ku samaysay kooxda Burnley.

>- Kooxda Burnley ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay taariikhda ee Chelsea iyadoo ku hoggaaminaysa 3-0 la kala nasto kulan horyaalka Premier League iyadoo lagu ciyaarayo garoonka Stamford Bridge.

>- Si kale haddii aan u dhigno waa markii ugu horreysay taariikhda ee la kala nasto qeybta hore ee ciyaarta Chelsea oo lagu hogaamino 3-0, iyadoo ku ciyaaraysa garoonkeeda Stamford Bridge kulan Premier League ah.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan