Man United Weli Rajo Ayay Ka Qabtaa Nacfiga Martial Madaama Dalab Xidigaan Ku Aadan Iska Diideen

0
931

 

Kooxda Man United inkastoo aysan si joogto ah u cayaaryahan Anthony Martial hadana weli kooxdaan wiilkan dhalinta yar inuu muhiim u yahay ayay u ragtaa.

Sida RMC Sport soo daabacday Man United waxay iska diiday dalab Tottenham kaga yimid oo ay ku dooneyso Anthony Martial.

21-jirkaan xulka France ka tirsan waxaa sidoo kale xagaagan loo diiday in kooxda Inter Milan laga caawiyo hadana Mourinho boos joogto ah uma haayo.

Macalin Mauricio Pochettino oo Tottenham leyliyo ayaa baadi goob ugu jiro cayaaryahan garbaha ka weerar gali karo laakiin Man United uu kaga doonayay Martial waa lagu soo diiday.

Haatana Tottenham waxay u dhaqaaqday soo qaashada Wilfried Zaha oo bishii May qandaraas dheer u saxiixay Crystal Palace kuna adkaan doonto Spurs helitaanka xidigaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan