Morooko oo isku soo sharaxday marti gelinta Koobka Adduunka 2026

0
193

Waddanka Morooko ayaa si rasmi ah xiriirka Kubadda cagta Adduunka ee FIFA ugu gudbiyay liiska ay ku codsanayaan martigelinta ciyaaraha koobka Adduunka 2026.

Waa markii shanaad ee Waddanka Morooko uu xiriirka kubadda cagta adduunka u gudbiyo codsigiisa martigelinta Koobka Adduunka oo hadda ka hor uu horey isu soo sharraxay sanadihii 1994, 1998, 2006 iyo 2010, waxaana markaan 2026 la tartami doona dalalka Mareykanka, Mexico iyo Canada oo iyagu doonaya in ay si wadajir ah u martigeliyaan madashaasi.

Morooko ayaa ku dhawaaqday  inay kharash fara badan ku bixin doonto dhismaha mashaariicda horumarineed ee dalka illaa laga gaarayo 2021 si ay u buuxiso shuruudaha ay ku heli karto qaban qaabada Koob Adduun.

Dhinaca kale Xiriirka Kubadda cagta FIFA ayaa kordhin doona xulalka ka qayb galaya Koobka Adduunka 2026 iyadoo la gaarsiin doono illaa 48 xul halka ay ka yihiin 32 xul.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan