Muxuu ka dhignaa goolkii uu Wayne Rooney galabta u dhaliyey kooxdiisa Everton?

0
1065

Kabtankii hore ee Manchester United Wayne Rooney ayaa furtay akoonkiisa goolasha kooxdii carruurnimadiisa ee Everton oo uu xagaagan dib ugu laabtay.

Waxa uu Everton u dhaliyey gool madax xoog badan kaddib karoos laga soo qaaday dadab, waxaana lagu kala nastay kulankooda furitaanka Premier League iyadoo Stoke ku hoggaaminaya 1-0.

Wayne Rooney ayaa kooxda Everton kulankiisii ugu horreeyey horyaalka Premier League garoonka ugu soo bilowday galabta tan iyo 15 bishii May sanadkii 2004, waana muddo haatan laga joogo 13 sanadood, 2 bilood iyo 28 maalmood.

Haddaba muxuu ka dhignaa goolka uu Rooney galabta u dhaliyey kooxdiisa Everton?:-

>- Wayne Rooney ayaa goolkiisii ugu horreeyey u dhaliyey kooxdiisa Everton tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay, isagoo xagaagan ka soo tagay Man United.

>- Wayne Rooney ayaa goolkiisii ugu horreeyey horyaalka Premier League kooxda Everton ugu dhaliyey garoonka Goodison Park kaddib muddo 4900 oo maalmood ah.

>- Wayne Rooney ayaa haatan ku lug yeeshay ama gacan ka geystay 300 oo gool horyaalka Premier League, isagoo dhaliyey 199 gool oo horyaalka Ingiriiska ah isla markaana caawiyey 101 gool.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan