Muxuu ka dhignaa kaarkii casaanka ahaa ee galabta loo taagtay kabtanka Chelsea ee Gary Cahill?

0
1485

Kooxda kubadda cagta Chelsea ee xafidanaysa horyaalka Ingiriiska ayaa galabta dheeleysa kulankeeda furitaanka horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2017-18.

Blues ayaa garoonkeeda ku soo dhawaysay naadiga Burnley, laakiin nasiib darro waxaa kaarka cas ka qaatay kabtankeeda cusub ee Gary Cahill.

Kabtan Cahill ayaa kaarka cas loo taagay 14-kii daqiiqo ee ugu horreeyey kulanka ka soconaya garoonka Stamford Bridge, kaddib markii uu si xun qalad ugu galay Steven Defour.

Kooxda Burnley ayaa haatan ku hoggaaminaysa Blues 1-0.

Haddaba kaarkaas cas ee galabta loo taagay kabtanka Chelsea ee Gary Cahill muxuu ka dhignaa?

>- Gary Cahill ayaa markii ugu horreysay xirfaddiisa ciyaareed ee kooxda Chelsea laga saaray kulan horyaalka Premier League.

>- Kaarka case e Gary Cahill ayaa soo gabagabayey 40 kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League oo kooxda Blues aan ciyaaryahan laga saarin, waana tan iyo bishii May sanadkii 2015-kii.

>- Waxa uu sidoo kale ahaa kaarkii casaanka ahaa ee ugu horreeyey ee la bixiyo horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2017-18.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan