Rasmi: AC Milan Oo Shaaca Ka Qaaday Lambarada Ay Xiran Doonaan Cayaarooyda Kooxdan Xili Cayaareedkan 2017/18

0
1764

 

Kooxda AC Milan ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay xidigaheeda guud lambarada ay xiran doonaan xili cayaareedkan cusub 2017/18.

Saxiixyada Milan ku cusub sida Hakan Calhanoglu lambarka 10-aad, Andre Silva lambarka 9-aad iyo Andrea Conti isagana lambarka 12-aad ayaa la siiyay.

Rossoneri wey ku qasbaneyd inaan lambaradeeda isku qasto waxna ka badasho madaama kooxdan 10-cayaaryahan cusub kusoo kordheen xili cayaareedkan.

Kubad sameeyaha reer Turkey Hakan Calhanoglu ayaa ku faraxsan lambarka 10-aad ee kooxda Milan ku weyn inuu xirto wuxuuna rajeynaa halyeedii kooxdan soo maray oo kale inuu noqdo lambarkaana u xirteen.

Leonardo Bonucci lambarka uu jecel yahay ee 19-aad ayaa la siiyay sidoo kalena Lucas Biglia lambarka 21-aad ayaa la siiyay.

Fadlan hoos kaga bogo xidigaha Milan xili cayaareedkan 2017/18 adeegsan doonto iyo mid walbo lambarka la siiyay:

2 Calabria Davide

4 Mauri Josè

5 Bonaventura Giacomo

8 Suso

9 André Silva

10 Calhanoglu Hakan

11 Borini Fabio

12 Conti Andrea

13 Romagnoli Alessio

15 Gomez Gustavo

17 Zapata Cristian

18 Montolivo Riccardo

Bonucci Leonardo

Abate Ignazio

Biglia Lucas

22 Musacchio Mateo

23 Sosa José

29 Paletta Gabriel

30 Storari Marco

31 Antonelli Luca

45 Zanellato Nicolò

46 Gabbia Matteo

63 Cutrone Patrick

68 Rodriguez Ricardo

70 Bacca Carlos

73 Locatelli Manuel

75 Guarnone Alessandro

79 Kessie Franck

90 Donnarumma Antonio

94 Niang M’Baye

99 Donnarumma Gianluigi.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan