Real Madrid Oo Ka Walaacsan Habaarka El Classico Ka Heesto Qaadashada Calaamada Casaanka

0
1616

 

Jose Mourinho hada ka hor wuxuu ku kaftamay inuu kooxdiisa Real Madrid xiliga tababarka ku diyaariyo sidii 10-cayaaryahan ay isku difaaci lahaayeen marka kulanka El Classico kusoo fool leeyahay.

Tababare Zidane isagana walaac ayuu qabaa kulanka Super Cup-ka Spain ee Axada ama habeen dambe la cayaari doono.

Real Madrid 4-kulan ee ugu dambeesay oo ay Barcelona la cayaartay cayaaryahan ayaa kulan walbo casaan ama rooso laga siinayay.

Madrid waxay haatan walaac ka qabtaa kulanka habeen dambe Camp Nou lagu cayaarayo in cayaaryahan muhiim ah casaan ka qaato sidaasna uu lugta labaad seego cayaarta Bernabue lagu cayaari doono hal todobaad kadib.

November 2015 Barcelona oo 4-0 ku hogaamineyso kulankii El Classico ee ka dhacay Estadio Santiago Bernabeu waxaa casaan xili  dambe la siiyay Isco oo jalaagay Neymar.

Sidoo kalena isla xili cayaareedkaas 2015/16 Sergio Ramos ayaa casaan la siiyay kulankii labaad ee Cam Nou lagu cayaaray laakiin kulankaas Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa guusha siiyay dhamaadkii cayaarta.

Madrid markale ayay Camp Nou kusoo laabatay xili cayaareedkii xigay 2016/17 cayaar 1-1 kusoo idlaatay.

Laakiin nasiib daro kulankii dambe ee Bernabue lagu cayaaray Sergio Ramos ayaa casaan qaatay daqiiqadii 77-aad waxaana Barcelona guusha 3-2 ku siiyay Messi oo sedexleey caan ah dhaliyay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan