RIKOOR: Lionel Messi oo taariikh cusub u sameyn doona Barcelona waase arrin ku xiran natiijada El Clasico

0
1932

Lionel Messi waa gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda derbiga El Clasico, laakiin hadda wuxuu xiddiga Barcelona Leo Messi doonayaa inuu noqdo xiddiga ugu guulaha badan kooxda Barcelona marka laga hadlayo ciyaaraha El Clasico.

Messi ayaa rikoorkaas gaari kara haddii ay Barcelona laba jeer ka adkaato Real Madrid finalka laba lugoodka ah ee Supercopa de Espana.

Xavi ayaa haatan ah xiddiga ugu guulaha badan Barcelona ciyaaraha El Clasico, isagoo La Blaugrana 17 guul la gaaray 42 kulan oo uu wajahay Real Madrid, Messi hal kulan ayuu ka dambeeyaa Xavi wuxuuse ciyaaray keliya 34 kulan oo El Clasico ah – marka Messi laba guul ayuu u baahan yahay.

Kabtanka Barcelona Andres Iniesta ayaa isna 15 guul ka gaaray Real Madrid 35 kulan oo uu wajahay – laakiin guud ahaan ninka ugu guulaha badan ciyaaraha El Clasico waa halyeeyga Real Madrid Paco Gento kaasoo 21 jeer ka adkaaday Barcelona, waana 50 boqolkiiba marka sicir ahaan la cabbiro.

Sergio Ramos, Raul iyo Manolo Sanchis – si la mid ah kabtankii hore ee La Azulgrana Joan Segarra dhammaantood waxay heystaan rikoorka kuwa ugu guuldarrooyinka badan Los Blancos iyadoo min 16 guuldarro ka qaatay El Clasico.

Sidaas darteed kabtanka Los Blancos Ramos waa inuu meel iska dhigo rikoorkaan aysan cidna dooneyn Axada marka ay Los Blancos u safarto Catalonia lugta hore ee 2017 Supercopa de Espana.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan