Rikooradii laga diiwaan geliyey kulankii ay kooxda Burnley galabta guusha ka gaartay 9 xiddig oo Chelsea ah!

0
936

Kooxda kubadda cagta Burnley ayaa guul 3-2 ah ka gaartay 9 xiddig oo Chelsea ah kulankeeda furitaanka horyaalka Premier League, kaddib markii Blues laga qaatay labo kaar oo casaan ah.

Chelsea ayaa waxaa labo kaar oo guduudan ka qaatay kulankan kabtankeeda Cahill iyo Fabregas.

Burnley ayaa shaqadeeda qabsatay qeybtii hore ee ciyaarta Blues ayaana lagu mariyey 3-0, labo gool oo uu dhaliyey Sam Vokes iyo mid uu ansixiyey Stephen Ward.

Saxiixa cusub ee Chelsea Alvaro Morata oo bedel ku soo galay ciyaarta ayaa gool dhaliyey midna dhigay midkalena u dhigay David Luiz kulanka ayaana ku soo dhammaaday 3-2 lagu dilay 9 ciyaaryahan oo Chelsea ah.

Kooxda Chelsea ayaa difaacashadeeda horyaalka Premier League guuldarro ku bilaabatay.

HALKAAN HOOSE KA EEG RIKOORADII LAGA DIIWAAN GALIYEY KULANKAN:-

>- Kooxda Burnley ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay taariikhda ee Chelsea iyadoo ku hoggaaminaysa 3-0 la kala nasto kulan horyaalka Premier League iyadoo lagu ciyaarayo garoonka Stamford Bridge.

>- Si kale haddii aan u dhigno waa markii ugu horreysay taariikhda ee la kala nasto qeybta hore ee ciyaarta Chelsea oo lagu hogaamino 3-0, iyadoo ku ciyaaraysa garoonkeeda Stamford Bridge kulan Premier League ah.

>- Gary Cahill ayaa markii ugu horreysay xirfaddiisa ciyaareed ee kooxda Chelsea laga saaray kulan horyaalka Premier League.

>- Kaarka case e Gary Cahill ayaa soo gabagabayey 40 kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League oo kooxda Blues aan ciyaaryahan laga saarin, waana tan iyo bishii May sanadkii 2015-kii.

>- Waxa uu sidoo kale ahaa kaarkii casaanka ahaa ee ugu horreeyey ee la bixiyo horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2017-18.

>- Fabregas ayaa garoonka laga saaray oo la siiyey kaarka cas tan iyo 18 bishii May sanadkii 2015-kii.

>-  Kaddib 40 kulan oo horyaalka ah oo Chelsea aan laga qaadan kaarka cas, maanta oo ay taariikhdu tahay 12 August 2017, waxaa kaararka cas laga siixyey kabtan Cahill iyo Fabregas.

>- Chelsea ayaa la saxiiyey labo kaar oo casaan ah kulan horyaalka Premier League ah gudihiis markii ugu horreysay tan iyo bishii Maarso sanadkii 2014-kii, markaasoo ay ka horjeedeen naadiga Aston Villa.

>- Saxiixa cusub ee Chelsea Alvaro Morata ayaa gool dhaliyey kulankiisii ugu horreeyey Premier League, isagoo waliba goolkaas ku dhaliyey laadkiisii ugu horreeyey ee bartilmaameed toos ah oo uu sameeyey isagoo xiran maaliyadda Chelsea.

>- Kaliya labo kooxood oo difaacanaya horyaalka Premier League ayaa guuldarrooyin la kulmay kulanka furitaanka xilli ciyaareedka cusub waxaana ay kala yihiin Leicester (2016/17) iyo Chelsea (2017/18).

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan