Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp oo markale welwel ku abuuray jamaahiirta Barca: “Leo Messi ayaa ku xigga Neymar JR”

0
1478

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa wuxuu aaminsan yahay inuu Lionel Messi noqon doona xiddiga xigga ee jebin doona rikoorka u yaalla suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ka dib markii Neymar JR uu si lama filaan ah uga tegay Barcelona isagoo ku biiray kooxda Paris-Saint-Germain.

PSG ayaa 222 milyan oo euros ku iibsatay Neymar taasoo ka dhigan inay la saxiixatay xiddigii ugu qaalisanaa taariikhda kubadda cagta waxayna rikoorkaan kala wareegtay Paul Pogba Manchester United oo sannadkii lasoo dhaafay 89 milyan oo ginni kula soo saxiixatay Paul Pogba.

Neymar waxaa lagu iibsaday 198 milyan oo ginni waana in ka badan laba u jibbaar lacagtii ay Man United kusoo iibsatay Paul Pogba. Tababaraha Liverpool Klopp ayaana caddeeyey in laga yaabo inay timaado koox la saxiixaneysa Messi haddii ku guuleystaha shanta jeer ee abaalmarinta FIFA Ballon d’Or uu doonayo inuu ka tago Camp Nou Stadium.

“Waxaan u maleynayaa inay macquul tahay arrintaani. Haatan wax walba ayaa macquul ka ah suuqa kala iibsiga ciyaartoyda,” Klopp ayaa sidaasi u sheegay DAZN. “Waxaa jira qiimo lacageed lagu burburin karo qandaraaska Leo Messi, waana 300 milyan oo euros, sidaas darteed filo inay jirto koox diyaar u ah inay bixiso qiimahaas.

“Waxaan aaminsanahay in muddo bil ah ka dib aan arki karno koox diyaar u ah inay iibsato Messi. Waxaan ula jeedaa ujeedka hadalkeyga haddiiba qandaraaska Messi lagu burburin karo 300 milyan oo euros ka dib waxaa laga yaabaa inay timaado koox iibsaneysa”.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan