Tababare Jürgen Klopp oo kulankiisii 100-aad maanta hoggaaminaya kooxda Liverpool… (Eeg rikoorkiisa)

0
366

Macallin Jürgen Klopp ayaa kulankiisii 100-aad ee tartan rasmi ah maanta hoggaamin doonta kooxdiisa Liverpool maanta kulanka furitaanka horyaalka Premier League.

Reds ayaa kulankeeda furitaanka horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2017-18 waxa ay la ciyaari doonaan naadiga Watford kulankaas oo ay Liverpool marti tahay.

Tababare Jürgen Klopp ayaa kulanka maanta hoggaamin doona kooxda Liverpool kulankiisii 100-aad ee tartan rasmi ah.

Hadda waxaan halkaan hoose ku eegeynaa rikoorkiisa 99-kii kulan ee maanta ka hor uu soo hoggaamiyey Reds:-

99-kulan oo uu maanta ka hor hoggaamiyey Klopp kooxda Liverpool waxa uu guulo ku hoggaamiyey 50 kulan.

Waxa uu guuldarro la kulmay 21 kulan, 179 gool ayey kooxdiisu dhalisay mudadaas, iyadoo laga dhaliyey 105 gool, 35 kulan oo ka mid ah kulamadaasna shabaqooda oo aan gool la taabsiin ama laga dhalin ayey garoonka ka baxeen.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan