WARBIXIN: Diego Costa oo sharciga la tiigsanaya Chelsea – Xaaladdu meel xun ayey mareysaa!

0
1020

Diego Costa ayaa wuxuu furay kiis dhanka sharciga ah oo uu kula eedeynaayo kooxdiisa Chelsea inay ka hortaagan tahay habkii uu uga tegi lahaa Stamford Bridge.

Isbuucii lasoo dhaafay, Ricardo Cardoso oo ah ninka Costa u qaabilsan arrimaha sharciga ayaa wuxuu ugu hanjabay Chelsea inay sharciga la tiigsan doonaan ka dib markii ay kooxdu si xun ula dhaqantay xiddiga reer Spain, iyadoo si gaar ah u diiday inay ka iibiso kooxdiisii hore ee Atletico Madrid.

Majaladda Daily Mail ee dalka England ayaana fahamsan inuu haatan Costa sharciga la tiigsan doono Chelsea, xitaa kiisku haatan wuu furmay.

Tababaraha Chelsea Antonio Conte iyo guud ahaan maamulka Chelsea ayaa waxay ogaayeen inuu Costa doonayo inuu baxo bishii Janaayo 2017kii. Laakiin xilligaas waxaa loo ballan qaaday wakiilka Costa ee Jorge Mendes in xiddigaan la fasixi doono xagaaga.

Laakiin markii uu dib u furmay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub Chelsea ayaa ka horjoogsatay Costa wadadii uu uga tegi lahaa Galbeedka London.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan