Wargeysyada Yurub iyo wararkii ugu dambeeyey ee ay maanta ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda

0
1355

Barcelona ayaa hadda dareenkeeda u weecineysa sidii ay kusoo xerogelin laheyd kubadsameeyaha kooxda Tottenham iyo xulka Denmark Christian Eriksen sababta ay 25 sanno jirkaan u aaday Barcelona waxay tahay inay Liverpool ka diiday iibka kubadsameeyaha reer Brazil Philippe Coutinho. (Independent).

Liverpool ayaa 150 milyan oo euros duldhigtay madaxa xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil Coutinho intii lagu jiray wadahadallo ay Isbuucaan la gashay kooxda Barcelona. (Daily Record).

Garabka Borussia Dortmund iyo xulka France Ousmane Dembele ayaa weli wuxuu Barcelona u yahay bartilmaameed sarre, iyadoo kooxda Isbaanishka ah ay dooneyso inay 140 milyan oo euros ku dalbato 20 sanno jirkaan. (AS).

Haddii ay Barcelona ku guuldarreysato saxiixa Dembele ama Coutinho, waxay markaas u dhaqaaqi doontaa 28 sanno jirka garabka uga ciyaara kooxda Inter Milan iyo xulka Croatia Ivan Perisic, kaasoo muddo dheer bartilmaameed u ahaa Manchester United. (Sport Italia & Football Italia).

Xiddiga qadka dhexe ee Paris St-Germain Angel di Maria, oo 29 sanno jir ah, ayaa bartilmaameed lama filaan ah u noqday Barcelona iyadoo raadineysa bedela Nemar JR oo ku biiray kooxda Faransiiska ah ee PSG. (Sport).

PSG ayaa 18 milyan oo euros sannadkii mushaar ahaan u siin doonta 18 sanno jirka reer France iyo kooxda AS Monaco Kylian Mbappe kaasoo ogolaaday inuu qandaraas shan sanno ah ku yimaado caasimadda France. (L’Equipe).

Mbappe ayaa si shaqsi ah isha ugu haya inuu u dhaqaaqo kooxda PSG laakiin warbaahintu waxay sheegeysaa in aysan labada dhinac wax heshiis ah gaarin, lagana yaabo inuu heshiiskaani meelmarin xagaagaan. (ESPN).

Real Madrid ayaa soo afjartay xiisaheedii ay u qabtay Mbappe waxaana laga yaabaa inay dareenkeeda usoo weeciso soo xerogelinta xiddiga garabka uga ciyaara Chelsea iyo xulka Belgium Eden Hazard, oo 26 sanno jir ah. (Don Balon & Daily Star).

Chelsea ayaan weli dib ugu laaban 27 sanno jirka qadka dhexe ee kooxda Leicester City Danny Drinkwater iyadoo Foxes ay iska diiday dalabkii ugu dambeeyey ee Chelsea oo ahaa 15 milyan oo ginni. (Daily Telegraph).

Xiddiga qadka dhexe Jack Colback, oo 27 sanno jir ah, ayaa qarka u saaran inuu ku tago Newcastle United ka dib markii ay xerada tababarka iskula dheceen macalinkiisa Rafael Benitez. (Daily Mail).

Tottenham ayaa wadahadallo kula jirta daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Ajax Davinson Sanchez, oo 21 sanno jir ah, iyadoo kula soo wareegeysa 35 milyan oo ginni. (Mirror).

Isco ayaa ogolaaday inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxdiisa Real Madrid waxaana qandaraaska xiddiga reer Spain haatan lagu burburin karaa 700 milyan oo euros oo u dhiganta 637 milyan oo ginni, Isco ayaa saxiixi doona qandaraas afar sanno ah iyo sannad dheeraad ah oo macquul ah. (AS).

Ugu dambeyntii Manchester United ayaa ku dhow inay lasoo saxiixato 19 sanno jirka weerarka uga ciyaara kooxda Oliveirense ee Bruno Amorim, sidaas waxaa laga soo xigtay agaasimaha kooxda reer Portugal director Antonio Jose Leite. (Noticias ao Minuto & Daily Express).

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan