Xaqiiqooyinkii + Goos Goos U Gaar Ah Kulankii City 2-0 Ku Dhaaftay Brighton

0
628

 

Kooxda Man City ayaa ku bilaawday xili cayaareedkan Premier League kadib markii 2-0 ay kaga talaabsadeen naadiga Brighton.

Inkastoo Guardiola kooxdiisa guul muhiim ah gaartay hadana dhib badan ayay kala kulmeen kooxda Brighton ee EPL ku cusub sidii ay sedexda dhibcood kaga qaadan lahaayeen.

Fadlan hoos kaga bogo xaqiiqooyinka ugu muhiimsan ee kulankaan laga diiwaan galiyay:

Macalin Pep Guardiola 8-da kulan ee ugu dambeesay kulamada bilaabashada cayaaraha horyaalada guul ayuu ku bilaawday waxayna kooxihiisa dhaliyeen 25-gool ayadoo sedex gool laga dhaliyay sidoo kalena 5-ka mid ah kulamaad shabaqa lagama taabinin kooxaha Pep.

Lewis Dunk oo ka tirsan Brighton wuxuu noqday cayaaryahanka 7-aad ee kulamada bilaawga EPL gool kama ah iska dhaliyo.

Sergio Aguero 31-naadi oo kala duwan oo uu EPL la cayaaray ama ka hor yimid 30-ka mid ah shabaqooda gool ayuu dhex dhigay!

David Silva wuxuu caawiyay 58-gool tan iyo xili cayaareedkii 2011/12 laga soo bilaabo wuxuuna 15-kubadood caawintooda ka badan yahay cayaaryahan kasto oo kusoo xigo dhanka caawinta isla mudadaas.

Sergio Aguero 16-gool ayuu dhaliyay 18-kulan ee ugu dambeesay oo uu kooxda Man City u cayaaray dhamaan tartamada kala duwan.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska kulankii Man City 2-0 guusha kaga qaadatay kooxda Brighton:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan