VIDEO: Maxaa dhacay markii ay CR7 iyo Leo Messi ku kulmeen taanalka Camp Nou Stadium – Maxayse isku sheegeen?

0
5955

Cristiano Ronaldo kuma uusan soo bilaaban lugtii hore ee finalka Supercopa de Espana ee Axadii ka dhacday Camp Nou Stadium.

 Laakiin isaga iyo Lionel Messi ayaa isku salaamay taanalka ka hor inta aysan bilaaban ciyaartaan weyn ee El Clasico taasoo ay Real Madrid 3-1 ku adkaaday, Messi iyo Ronaldo-na ay min hal gool dhaliyeen.

Labada xiddig ee ku dagaalama abaalmarinta Ballon d’Or ayaa taanalka ku kulmay isla markaana isgacan qaaday, Ronaldo ayaa marka hore salaamay Luis Suarez oo garab taagnaa kabtanka xulka Argentina ka dibna isaga iyo Messi sheekadaan ayaa dhexmartay:

Ronaldo: “Sidee tahay Leo?” – Jawaabtii Messi: “Waan fiicanahay, adigu sidee tahay?”

Ronaldo habeen isku dhafan ayey u aheyd wanaag iyo xumaan, ka dib markii uu gool cajiib ah dhaliyey balse casaan uu qaatay sidaas darteed ma ciyaari doono lugta labaad ee finalka Supercopa de Espana kaasoo caawa ka dhici doona garoonka Santiago Bernabue Stadium.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan