Xaqiiqooyin Laga Diiwaan Galiyay Kulankii Stoke City 1-0 Ku Quusisay Arsenal (+Goos Goos)

0
1095

Jese Rodriguez cayaaryahankii hore Real Madrid balse hada milkiyadiisa leedahay naadiga PSG nolol cusub ayaa EPL kaga bilaabatay madaama kulankiisii ugu horeeyay ee uu Stoke u saftay guul muhiim ah Arsenal ka siiyay.

Hadaba waxaan idiin heynaa xaqiiqooyinka ugu weynaa ee kulankii Bet 365 ka dhacay laga diiwaan galiyay ayadoo Arsenal guuldaradii ugu horeesay EPL xili hore la dhadhansiiyay:

Jese wuxuu noqday cayaaryahanka sedexaad ee Stoke City kulankiisa ugu horeeyo EPL gool u dhaliyo sidaas waxaa horey u sameeyeen Ricardo Fuller & Michael Kightly.

Arsenal oo labo guul isku xigto ku furato EPL waxaa ugu dambeesay xili cayaareedkii 2009/10 hadana rajadii ay qabeen waxaa soo idleesay Stoke oo 1-0 ku dubatay.

Arsenal kulankaan waxay qaybihiisa dambe gaarsiiyeen inay kubada heesteen 77.3% waana kubad heesashadii ugu badneyd ee Gunners-ka kulan EPL ka sameyso tan iyo 2003/04 xili cayaareedkii ahaa hadana waa laga badiyay Arsenal ayagoo kubada sidaas u heesteen.

Stoke City waxaa u joogaan ama ka tirsan 5-cayaaryahan oo UEFA Champions League qaadeen Xherdan Shaqiri, Jese, Bojan, Ibrahim Afellay iyo Darren Fletcher, halka Arsenal oo dhan xidigaha ku sugan goolhaye Petr Cech kaliya Champion ka qaaday!

Goolhaye Jack Butland ayaa kulankaan wajahay 6-laad oo ay xidigaha Arsenal kusoo rideen dhamaana wuu bad baadiyay, markale geesinimo dheeraad ah ayuu muujiyay goolhayahan.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska kulankii Arsenal guuldaro 1-0 kala kulantay naadiga Stoke City:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan