Alvaro Morata oo guul ku hogaamiyey Chelsea xilli ay usoo dhaqaaqday kaalinta 5aad ee horyaalka EPL

0
1274

Chelsea ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkaan 2017 illaa 2018 iyadoo guul ka gaartay kooxda Everton, taasoo ah 2-0 uga adkaatay.
Chelsea ayaa si heer sarre ah ku bilaabatay ciyaartaan iyadoo niyadsan ka dib guushii ay Isbuucii lasoo dhaafay kasoo gaartay kooxda Tottenham.
Si kastaba ha ahaatee, 27 daqiiqo ayey ku qaadatay inay hogaanka kal wareegto kooxda Everton ee martida ugu aheyd garoonkeeda Stamford Bridge.
Kubadsameeyaha reer Spain Cesc Fabregas ayaana hogaanka u dhiibay Chelsea, weliba gool ay kooxda oo dhan si wanaagsan iskala soo shaqeysay. Willian ayaa kubadda soo siiyey Fabregas ka dibna xiddiga reer Spain ayaa kubadda u dhiibtay Morata, oo madaxa ku siiyey ka hor inta uusan dabamarin Jordan Pickford.
Wixii intaas ka dambeeyey kooxda tababare Antonio Conte ayaa sii wadatay koontaroolkeeda ciyaarta, iyadoo ka mahdineysa qaab ciyaareedka wacan ee uu qeybtii hore ee kulankaan soo bandhigay xiddiga ugu fadhiya 75ta milyan oo ginni Morata.
Goolkeeda labaad ayeyna heshay daqiiqadii 39aad ee kulankaan. Waxaana markaan shabaqa usoo taabtay xiddiga reer Spain Alvaro Morata, kaasoo madaxa ku dhaliyey karoos uu ka helay saaxiibkiisa qaranka Spain Cesar Azpilicueta.
Qeybtii labaad ee kulankaan Chelsea waxaa soo maray fursado dahabi ah oo ay goolal kale ku dhalin kartay, iyadoo Victor Moses uu ka mid yahay xiddigaha fursadahaas khasaariyey.
Si kastaba ha ahaatee, maadaama ay koontaroolka u heysay kulankaan Everton waxay u diiday fursado badan Chelsea ayaana haatan sidaas ku gaartay guusheedii labaad seddax kulan oo horyaalka EPL ah.
Blues ayaa markeedii ugu horreysay xilli ciyaareedkaan ku adkaatay garoonka Stamford Bridge, sidoo kale Chelsea ayaana haatan leh lix dhibcood, waxayna usoo dhaqaaqday kaalinta shanaad ee horyaalka EPL oo seddax kulan ay inta badan kooxuhu ciyaareen.
HALKAAN KA DAAWO GOOSGOOSKII KULANKAAN.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan