Messi, Kane mise Pedro – U codee keebaa dhaliyey goolka todobaadka ee Champions League?

0
1691

Waxaa la shaaciyey shanta gool ee u sharraxan goolka todobaadka ee Champions League, waxaana hoggaaminaya goolashii ay todobaadkan koobka horyaallada Yurub ka dhaliyeen Messi, Kane iyo Pedro.

Weeraryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi goolkii labaad ee uu dhaliyey kooxda Juventus ayaa ku jira goolasha u sharraxan goolka isbuuca ee Champions League oo ay abaal-marintiisa bixiso shirkadda baabuurta ee Nissan.

Xiddiga Barcelona ayaa si cajiib ah u dhammaystiray goolkaas intii lagu guda jiray kulankii ay Barcelona 3-0 guul ah kaga gaartay Champions League garoonkeeda Camp Nou.

Laakiin xiddiga reer Argentina ayaa tartan adag kala kulmi doona marka ay sheekadu timaado goolka ugu quruxda badnaa todobaadkan Champions League, waxaana tartanka kula jira goolkii Harry Kane uu ka dhaliyey kulankii Tottenham ay guusha gaartay Dortmund.

Sidoo kale waxaa tartankan goolka todobaadka Champions League ka mid ah isla goolkii barbaraha ee uu kalankaas BVB u dhaliyey Andriy Yarmolenko, ka hor inta aysan Spurs ku adkaan 3-1.

Xiddigii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ku guuleystay goolka tartankan ee Cenk Tosun ayaa sidoo kale dib u soo laabtay waxaana uu ku jiraa musharraxiinta u tartamaya goolka todobaad ee Champions League kaddib goolkii uu ka dhaliyey kulankii ay kooxdiisa  Besiktas 3-1 uga adkaaday FC Porto.

Weeraryahanka Chelsea ee Pedro ayaa dhammaystira musharraxiinta goolka todobaadka Champions League kaddib markii uu si cajiib ah bannaanka xerada ganaaxa uga dhaliyey gool qurux badan kulankii kooxdiisa Blues ay 6-0 ku xasuuqday Qarabag.

Haddaba si aad u codeysid goolka todobaadka Champions League guji halkaan oo daawo kaddibna codee

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan