Radja Nainggolan oo dib ugu soo laabtay kooxdiisa Roma xili ay u baahan tahay

0
384

 

Kubad bur buriye Radja Nainggolan ayaa dib ugu soo laabtay xili ay kooxdiisa AS Roma u baahan tahay waana cayaaryahan dhalintiisa wato.

Radja Nainggolan wuxuu seegay kulankii Roma 4-0 guusha kaga qaadatay naadiga Benevento asigoo dhaawac yar qabay.

Radja Nainggolan oo taam ah wuxuu kasoo muuqan doonaa kulanka Roma sabtiga wajaheyso naadiga Udinese.

Dhinaca kale saxiixa cusub Roma Patrik Schick weli dhaawac ayuu ku maqan yahay wuxuuna seegi doonaa kulanka Udinese welina diyaar uma ahan inuu kulankiisa kowaad Roma u safto.

Fadlan hoos kaga bogo xidigaha Giallorossi kulanka Udinese u matali doonaan oo uu macalin Di Franchesco soo xusahay:

Alisson, Lobont, Skorupsi; Castan, Gazio, Kolarov, Manolas, Moreno, Juan Jesus, Peres; De Rossi, Florenzi, Gonalons, Nainggolan, Pellegrini, Gerson, Strootman; Defrel, Dzeko, El Shaarawy, Perotti, Cengiz

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan