Romelu Lukaku Oo Guul Dirqi Ah Ku Hogaamiyey Man Utd Iyadoo Si Dhib Badan Isaga Reebtay Southampton (Goosgooska)

0
954

Manchester United ayaa guul 1-0 ah ka gaartay kooxda Southampton oo ay marti ugu aheyd garoonka St Mary Stadium.

Romelu Lukaku ayaa dhaliyey goolka keliya ee kooxda Manchester United, iyadoo haatan Red Devils ay hogaanka horyaalka England Premier League dhanka dhibcaha kula heyso kooxda Manchester City.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium ayaa wuxuu goolkaan guusha daqiiqaddii 20aad u dhaliyey kooxdiisa Manchester United, waxaana goolkaan caawiye ka ahaa xiddiga reer England Ashaky Young.

Si kastaba ha ahaatee, labadaan kooxood oo wada-leh min 16 dhibcood ayaa waxaa kaalinta labaad u dheceysa Man United, marka gooldhalinta la tirsado, Man City ayaana 5-0 uga adkaatay kooxda Crystal Palace.

Dhacdada ugu yaabka badan ee kulankaan laga sheegi karo ayaa waxay tahay in tababare Jose Mourinho tarabuunka la saaray dhammaadkii kulankaan, halka Romelu Lukaku uu dhaliyey goolkiisii 6aad ee Manchester United ee horyaalka England Premier League xilli ciyaareedkaan wuxuuna sidaas ku barbareeyey rikoorkii Luis Saha.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan