Falcao iyo Dybala oo hor kacayaan 10-ka gool dhaliye ee 5-horyaal ugu caansan ka cayaaraan

0
1309

 

Radamel Falcao iyo Paulo Dybala ayaa ah labada cayaaryahan ee 10-gool darajo ahaan ka dhaliyeen 5-ta horyaal Yurub ugu caansan.

Falcao ayaa xili cayaareedkan lasoo baxay gool dhalin joogto ah wuxuuna 11-gool u dhaliyay kooxdiisa Monaco asigoo Ligue 1 France awood ku qabsaday.

Paulo Dybala isagana 10-gool ayuu Serie A-da Talyaaniga ka dhaliyay sidoo kalena wuxuu kusoo baxay gool dhaliye Juve aysan marnaba ka maarmin.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka cayaaryahan ee 5-horyaal ugu caansan ugu goolasha badan xili cayaareedkan:

1. Radamel Falcao (Monaco) 11-gool

2. Paulo Dybala (Juventus) 10-gool

3. Lionel Messi (Barcelona) 9-gool

4. Pierre-Emerick Aubameyang (Dortmund) 8-gool

5. Robert Lewandowski (Bayern Munich) 7-gool

6. Edinson Cavani (PSG) 7-gool

7. Ciro Immobile (Lazio) 6-gool

8. Romelu Lukaku (Man United) 6-gool

9. Mauro Icardi (Inter Milan) 6-gool

10. Dries Mertens (Napoli) 6-gool

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan