Kooxda Real Madrid oo maanta ka war sugeysa xaaladda dhaawac ee Gareth Bale & Xiddiga oo laga yaabo inuu muddo dheer maqnaado

0
728

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa maanta ku soo laabanaysa tababarka iyadoo ogaan doonta xaaladda caafimaad ee xiddigeeda Gareth Bale, kaasoo iskaan lagu saaray garoonka Signal Iduna Park.

Waxa ay kooxdu qabtaa cabsi badan oo ku aaddan xaaladda dhaawac ee xiddigan, kaddib markii uu ka kici kari waayey garoonka, inkastoo markii dambe ay caddaatay inuu muruqa lugta bidix dhaawac ka qabo.

Inkastoo Arbacadii uusan Gareth Bale la kulmin dhaqtarka maadaama fasax hal maalin ah la siiyey ayaa haddana maanta waxa ay Real Madrid ogaan doontaa inta uu la eg yahay dhaawaca xiddigeeda.

Real Madrid ayaan is digan doonin illaa ay arkaan xiddigaha xulka qaranka Wales oo garoonka ku tababaranaya, waxaana lagu xusuustaa bandhiggii uu ka sameeyey garoonka kulankii Dortmund.

Hal gool ayuu dhaliyey isagoo hal caawinna sameeyey taasoo ku hoggaamisay Real Madrid guul wax ku ool ah oo ahayd waliba guushii ugu horreysay oo ay Los Blancos kaga soo gaarto kooxda Dortmund garoonkeeda Jarmalka.

Waxa uu Bale ku jiraa haatan heer ciyaareed sare, waxaana isaga iyo kooxdiisa Real Madrid-ba ay filanayaa in dhaawacaas uu noqdo mid fudud, inkastoo Wargeysyada ciyaaraha qaarkood ay sii saadaalinayaan inuu dhowr bilood garoomada ka maqnaan karo.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan