Barcelona Oo Camp Nou Stadium Oo Maran Ku Garaacday Las Palmas Ciyaar Qarka U Fuushay In La Baajiyo (Daawo Goosgooska)

0
2351

Kulankaan waxaa lagu ciyaaray garoonka Camp Nou Stadium oo maran, Barcelona ayaana sheegtay in taasi sabab ay u aheyd in la badbaadiyo taageereyaasheeda, maadaama ay rabshado maanta oo dhan ka jireen gobolka Catolonia oo dadkiisa laga qaadayo afti ay ku doonayaan inay uga baxaan Spain inteeda kale.

Barcelona ayaa dooneysay in la baajiyo kulankaan, si aysan malaayiin Euros u khasaarin maadaama ay in ka badan 98 kun oo taageereyaal ah iibsadeen tikidhada ciyaartaan, laakiin maamulka horyaalka La Liga iyo Xiriirka Kubadda Cagta Spain ayaa ku qasbay in la ciyaaro kulankaan – haddii ay diidana Barca waxaa loogu hanjabay in lix dhibcood laga jari doono.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay qaab habsami leh, Barcelona ayaana aheyd midda koontaroolka ciyaarta ku gacan sarreysay waqtiga oo dhan. Laakiin qeybtii hore wax gool ah labada dhinac iskama aysan dhalin, inkastoo labada kooxood ay soo mareen fursado dahabi ah.

Afar daqiiqo ka dib markii qeybtii labaad la isku soo laabtay, xiddiga qadka dhexe ee Barcelona Sergio Busquets ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa, isagoo madaxa ku dhaliyey koorno ay kooxdiisu heshay.

Goolkaas uu Sergio Busquets ka dhaliyey Las Palmas ayaa ah midkiisii ugu horreeyey ee uu Barcelona u dhaliyo kulan horyaalka La Liga ah tan iyo 30kii November 2014kii, muddo 1036 cisho ah ayaana kasoo wareegtay.

Lionel Messi ayaana dhaliyey goolka labaad ee kooxda Barcelona daqiiqadii 70aad, waxayna aheyd caawinaad cajiib ah oo uu ka helay Danis Suarez, isagoo La Pulga uu goolhayaha ka tegay ka hor inta uusan kubadda dhexdhigin shabaq maran.

Todobo daqiiqo ka dib, Messi ayaa goolkiisii labaad ee kulankaan u dhaliyey Barcelona, wuxuuna caawinaad ka helay weeraryahanka reer Uruguay Luis Suarez… Taasi waxay ka dhigan tahay inuu Lionel Messi haatan 46  gool tartamada oo dhan sannadkaan 2017 oo keliya, waana derejo uu uga sarreeyo ciyaaryahan walba oo ka ciyaara shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub.

Barcelona ayaana gaartay guushaas 3-0 ah taasoo ka caawisay inay gaarto guusheedii 7aad oo xiriir ah xilli ciyaareedkaan, iyadoo haatan leh 21 dhibcood. Leo Messi ayaana noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee 10 gool iyo wax ka badan xilli ciyaareedkaan ka dhaliya horyaalka La Liga.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan