6-naadi EPL ugu awooda badan iyo xidigaha dhaawaca ka ah ka hor kulamada todobaadkan

0
1288

 

Waxaa laga soo laabtay gudashada waajibaadka qaran sidoo kalena sabtiga nagu soo fool leh waxaa la amba qaadi doonaa kulamada horyaalka Ingiriiska.

Hadaba The Mirror waxaan kasoo xiganay kooxaha waa weyn EPL ama Big Six loo yaqaan cayaartooyda dhaawaca ka ah ee ka maqnaan doonaan kulamada sabtiga iyo axada la cayaarayo:

Arsenal: waxaa dhaawac ka ah Shkodran Mustafi iyo Santi Cazorla oo horey mudo dheer garoomada ugu maqnaa.

Chelsea: Waxaa dhaawac cusub ka ah N’Golo Kante halka Alvaro Morata oo horey dhaawac u ahaa soo laaban doono 18-ka bishan.

Liverpool: Waxaa dhaawac cusub ka ah Sadio Mane iyo Dejan Lovren sidoo kalena horey waxaa dhaawac mudo dheer garoomada kaga maqnaayeen Nathaniel Clyne, Adam Lallana iyo Adam Bogdan.

Man City: Waxaa dhaawac cusub ka ah Fabian Delph halka Aguero Kompanay uu soo laaban rabaan balse weli waxaa mudo dheer ka maqnaan doono Benjamin Mendy.

Man United: waxaa dhaawac cusub ka ah Maroune Fellaini iyo Phil Jones sidoo kalena waxaa dhaawac dheer kaga maqan Paul Pogba, Zlatan Ibrahimovic iyo Marcos Rojo.

Tottenham: wax dhaawac cusub ah ma jiro balse waxaa dhawaan garoomada ugu soo laaban doonaan xidigaha mudada ka maqnaayeen Victor Wanyama, Danny Rose iyo Erik Lamela.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan