Juan Mata oo iska diiday dalab waali ah oo dhanka kooxda China kaga yimid

0
487

 

Kubad sameeye Juan Mata ayaa dalab heer sare ah ka helay qaar ka mid ah kooxaha reer China oo u balan qaadeen mushaar waali ah.

Balse Mata ayaa ku gacan seeray dalabkaan wuxuuna ka door bidayaa inuu kooxdiisa Man United heshiis cusub u saxiixo.

Juan Mata qandaraaska uu Man United kula jiro wuxuu ku egyahay xagaaga dambe balse midaas walaac kuma heyso wuxuuna haatan madaxa u raxay kooxdiisa inuu heshiis cusub u saxiixo.

Waxaa la sheegay in koox China ka dhisan Mata usoo bandhigtay todobaad walbo inuu qaato sedex laab lacagta uu haatan Old Trafford ka qaato oo todobaadkii ah £165,000.

Mata ayaa ku faraxsan nolosha uu kooxda macalin Mourinho la qaadanayo mana doonayo inuu China aado asigoo fursad wacan u heesto inuu Premier League kasii cayaaro.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan