Juve iyo Lazio oo ku daaleen tirinta cayaartooyda dhaawaca ka noqonayaan

0
801

 

Kooxaha Juventus iyo Lazio ayaa rajo wanaagsan ka qabaan inay dib ugu soo laabtaan xidigaha kala ah Sami Khedira, Claudio Marchisio iyo Bastos ka hor kulanka sabtiga.

Juventus xili cayaareedkan waxay ku mashquushay daaweynta cayaartooydeeeda oo dhaawac ka bixi weesay waxaana sabtiga ka maqnaan doonaan xidigaha kala ah Miralem Pjanic, Benedikt Howedes, Mattia De Sciglio iyo Marko Pjaca.

Sami Khedira ayaa mudo bil ka badan maanta cayaaray kulan saaxiibtinimo oo ay Juve wajadhay naadig xafadeed weliba Khedira kulankaan labo gool ayuu dhaliyay ee 50-ka daqiiqo socday sidoo kalena Daniele Rugani iyo Gonzalo ayaa min gool dhaliyeen.

Juve ayaa sidoo kale rajo ka qabtay Mario Mandzukic iyo Andrea Barzagli oo tababar gaar ah sameenayaan inay Axada kooxda kasoo muuqdaan.

Dhanka Lazio Senad Lulic, Dusan Basta, Wallace, Felipe Anderson iyo Simone Palombi  dhamaantooda sabtiga kooxdooda ma caawin karaan madaama aysan weli soo kabanin.

Juventus ayaa sabtiga xiliga fiidkii garoonkeeda kusoo dhaweyn doonto naadiga Lazio cayaar ka tirsan Serie A-da balse labadaan koox dhaawacyo ayaa ragaadiyeen cayaartooydooda muhiimka ah

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan