Kaka oo ku dhawaaqay inuu kooxda Orlando City isaga tagi doono

0
672

 

Richardo Kaka ayaa si rasmi ah u sheegay inuu kooxdiisa Orlando City macsalaameen doono marka uu soo idlaado xili cayaareedkan MSL-ka Mareekanka bisha December ee dabyaaqada sanadkaan.

Kaka kubada cagta kama fariisan doono waxaana macquul ah inuu naadiyo kale ku biiro balse inuu Orlando City isaga hayaamayo ayuu cadeeyay.

Kaka wuxuu yiri “Waxaan doonayaa inaan ku dhawaaqo in Orlando City aan heshiiska u cusbooneysiin doonin”

“Waa wax kaliya ee aan hada rabo inaan ku dhawaaqo, waan tixgalinayaa qandaraaska Orlando City waana dhameesan doonaa inta xili cayaareedkan ka harsan”

Kaka oo 35-jir ah tilabaada xigta ee uu qaadi doono ayaa la wada sugi doonaa inkastoo ay u badan tahay gabi ahaanba inuu kubada cagta isaga fariisan doono madaama uu dhawaan sheegay inuu jir ahaan daalay.

Kaka waayihiisii ugu quruxda badnaa kooxda AC Milan ayuu kusoo qaatay intii u dhaxeesay 2003 ilaa 2009 kadib Real Madrid ayuu aaday wuxuuna MSL-ka Mareekanka aaday sanadii 2014.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan