Kooxda Real Madrid oo saddex ka mid ah xiddigaheeda muhiimka ah qeyb uga dhigaysa heshiiska ay ku doonayso Harry Kane!

0
873

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la soo warinayaa inay isku diyaarinayso in saddex ka mid ah xiddigaheeda safka hore ay qeyb uga dhigto heshiiska ay ku doonayso weeraryahanka naadiga Tottenham Hotspur ee Harry Kane.

Gareth Bale, Karim Benzema iyo Luka Modric ayaa xan lagu hayaa inay yihiin saddexda laacib kuwaas oo lagu dari karo heshiiska wadatashiga ah ee ay Los Blancos ku doonayso Kane.

Kane ayaa soo jiitay indhaha caalamka ee kubadda cagta toddobaadyadii la soo dhaafay, isagoo u dhaliyay 17 gool kooxdiisa iyo dalkiisa hal bil oo kaliya, sagaal ka mid ah goolashaas ayaana yimid shantii kulan ee ugu dambeysay.

Sida uu warinayo Warsidaha Diario Gol, kooxda Real Madrid ayaa fahamsan in Tottenham aysan diyaar u ahaan doonin inay ku iibiso Weeraryahankeeda wax ka yar 179 milyan oo gini, taasoo ah sababta Madaxweynaha naadiga Los Blancos ee Florentino Perez uu kaga fiirsanayo inuu saddexdiisa ciyaaryahan uu heshiiska ku daro.

Kane ayaa bishii la soo dhaafay ee December u saxiixay kooxda ka dhisan Waqooyiga London heshiis cusub oo sii tixnaan doona illaa sanadka 2022-ka.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan