Liverpool oo rajo ka qabto xidig Inter muhiim ah inay lasoo saxiixato

0
591

 

Kooxda Liverpool ayaa rajo wanaagsan ka muujisay helitaanka mid ka mid ah xidigaha Inter Milan ugu muhiimsan.

Goolhaye Samir Handonavic ayaa shaki galiyay inuu Inter lasii joogi doono wuxuuna ka dhawaajiyay inuusan hubin waxa xiga ee dhici doono.

Samir Handonavic wuxuu yiri “Ma aqaan waxa xiga ee dhici doono, mana hubo inaan Inter waayaheyga cayaareed ku dhameesan doono”

“Hadafkeyga wuxuu yahay inaan goolhaye sii ahaado ilaa aan 40-sano ka gaarayo waxaana rabaa hada Inter inaan sii caawiyo kadib ayaan go’aan qaadan doonaa”

Samir Handonavic waa 33-jir u dhashay dalka Slovenia wuxuuna wakiilkiisa soo dhaweeyay dalab dhanka Liverpool kaga yimid.

Tababare Jurgen Klopp ayaa taageero u ah goolhayahan wuxuuna rabaa inuu ka xaliyo dhibaatada Reds goosha ka heesato madaama Simon Mignolet iyo Loris Karius ku fashilmeen inay shaqadooda si joogto ah u gutaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan