Ozil oo maankiisa badalay diyaarna u ah heshiis dheer inuu Arsenal u saxiixo

0
995

 

London Evening Standard ayaa sheegtay in kubad sameeye Mesut Ozil inuu go’aankiisa badalay sidoo kalena diyaar u yahay kooxdiisa Arsenal heshiis cusub u saxiixo.

Ozil oo siweyn loo hadal haayay inuu Arsenal isaga tagi doono ayaa hada go’aankaas ka laabtay wuxuuna diyaar u yahay qandaraaskiisa 10-bilood ka harsan inuu dheereeyo.

Waxaa la aaminsan yahay Ozil heshiiskaan cusub inuu u ogolaan doono in loo laba laabo mushaarka £120,000 ee uu todobaadkii haatan Arsenal ka qaato.

Wakiilka Ozil ayaa xaqiijiyay in cayaaryahan sedex sano ama afar sano dheeraad ah Arsenal u saxiixi doono midaasna waxay soo idleyn doontaa hadal heyntii ahayd inuu Emirates faarujin doono.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan