RASMI: Calum Chambers oo heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa Arsenal

0
481

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xaqiijisay in xiddigeeda Calum Chambers uu heshiis cusub oo labo sanadood ah u saxiixay.

22-sano jirkaan ayaa qeyb ka ah kooxda Waqooyiga London ka dhisan tan iyo sanadkii 2014-kii, markaasoo ay kala soo saxiixdeen naadiga Southampton, iyadoo la wariyey inay Gunners markaas ku soo qaadatay beeca xorta ah 16 milyan oo gini.

Waxaa jiray warar la isla dhexmarayey oo sheegayey in difaacan uu ka tagi doono garoonka Emirates xagaaga marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xididgaha kaddib markii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay uu amaah ku soo qaatay kooxda Middlesbrough.

Si kastaba, Chambers kaasoo kaliya hal kulan saftay xilli ciyaareedkan ayaa go’aansaday inuu sii ballaariyo joogitaankiisa kooxda kaddib markii uu 60 kulan u saftay Arsenal illaa iyo hadda xirfaddiisa.

Kooxda Arsenal oo fadhisa haatan kaalinta shanaad ee kala horreynta horyaalka Premier League ayaa xaqiijisay in difaacan 22-sano jirka ah uu qalinka ugu duugay heshiis labo sanadood ah.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan