Real Madrid oo ku faraxsan in Lionel Messi Argentina koobka aduunka 2018 usoo saaray

0
3762

 

Lionel Messi sedexleey uu dhaliyay ayaa ka caawisay Argentina inay 3-1 guusha kaga qaataan Ecuador sidoo kalena xaqiijiyeen inay koobka aduunka 2018 usoo baxeen.

Waxaa la sheegay in kooxda Real Madrid ay ku faraxsan tahay in Lionel Messi usoo saaray Argentina koobka aduunka ee xagaaga dambe Russia lagu qaban doono.

Don Balon ayaa sheegtay in Real Madrid ku farxeen Messi farxadiisa sababtana ma ahan jeceyl ay u qabaan balse ay tahay in Messi maskaxdiisa iyo dareenkiisa u weeciyo ka fikirada koobka aduunka 2018 midaas oo hoos u dhigi karto sidii uu Barca ku caawin lahaa.

Barcelona haatan 100% wey guuleesatay kulamada La Ligaha Spain waxayna ku socdaan xawaare aan la celin karin oo uu Messi sabab u yahay.

Balse Real Madrid ayaa aaminsan in Messi hada kadib ka fikiri doono xagaaga dambe sidii uu Argentina ku caawin lahaa midaasna ayay sababi karto hoos u dhac isaga soo wajaho sidii uu xili cayaareedkan Barcelona ku caawin lahaa.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan