Zlatan Ibrahimovic oo xidigaha Man United tababarka kula soo biiray

0
1050

 

Kooxda Man United sabtiga nagu soo fool leh waxay wajihi doontaa naadiga Liverpool cayaar ka tirsan EPL oo Anfield lagu cayaarayo.

Ka hor kulanka Liverpool Zlatan Ibrahimovic ayaa xerada tababarka Man United kasoo muuqday waxaana soo dhow xiliga uu weeraryahankan garoomada dib ugu soo laaban lahaa.

36-jirkaan ayaa tababarka Man United ku yimid asigoo wato gaariga nooca raaxada Volvo XC60 Hybrid oo qiimo ahana ku fadhiyo £56,000.

Zlatan waxaa xerada tababarka kusoo dhaweeyeen inta badan cayaartooyda Man United madaama xidigaan markii ugu horeesay mudo dheer kadib tababarka soo xaadiray asigoo kasoo kabanayo dhaawacii dhanka jilibka ka gaaray dhamaadkii xili cayaareedkii hore.

Zlatan hada horey kubada kama cayaari karo wuxuu ku jiraa weli diyaar garow rajada ugu wanaagsan ee la qabo ayaa ah in bartamaha bisha December uu dib ugu soo laabto garoomada.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan