5-Arimood oo laga doodayo ka hor kulanka Liverpool Vs Man United sabtiga dhex mari doono

0
2342

 

Kooxda Liverpool kulanka ugu horeeyo EPL sabtiga xiliga qadada waxay garoonkeeda Anfield kusoo dhaweyn doontaa Man United.

Liverpool guuldaro kama ceemato kulankaan waayo hadii laga badiyo waxay ka dhignaan doontaa in United 10-dhibcood nadiif ah ka sare mari doonaan Liverpool.

Sidaa darteed Jurgen Klopp kooxdiisa waxaa saara culees aysan xamili karin halka Jose Mourinho kooxdiisa wax culees ah saarneyn.

Waxaa laga doodayaa 5-arimood ka hor kulanka weyn Liverpool Vs Man United:

1. Tababare Klopp Xal Ma U Heli Karaa Dhibaatada Daafaca Kooxdiisa Ku Raagtay Madaama Xili Cayaareedkan Reds 12-gool Laga Dhaliya.

2. Romelu Lukaku 8-kulan 8-gool xariir ah ma dhalin doonaa sidoo kalena iskoorkaan cusub EPL maku soo kordhin karaa? madaama horey aysan u dhicin in cayaaryahan koox ku cusub 8-kulan ugu horeyso shabaqa soo taabto.

3. Alex Oxlade-Chamberlain ma u istaagi doonaa inuu buuxiyo booska uu baneeyay Sedio Mane oo Liverpool ka maqnaan doono lixda todobaad ee nagu soo fool leh?

4. Kenny Dalglish maalintiisa maalin farxad ma noqon doontaa? madaama sabtiga daaha laga qaadi doono qayb cusub garoonka Anfield oo loogu magac daray halyee Kenny Dalglish.

5. Jose Mourinho siduu u maareen karaa dhaawacyada kooxdiisa? Pogba oo horey kaaga dhaawacnaa waxaa hadana kasii dhaawacmay Fellaini xili uu xulkiisa Belgium u cayaarayay, sidaa darteed Mourinho khadka dhexe United sida uu u maareen doono kulankaan weyn ayaa la wada sugaya iyo xeelada uu adeegsan doono.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan