Aqristayaasha Jariiradda Marca oo u codeeyey ciyaaryahanka ku guuleysan doona sanadkan Ballon d’Or – Ma Messi mise CR7?

0
2442

Jariiradda Marca ee ka soo baxda dalka Spain ayaa codeyn u qabtay taageerayaasha kubadda cagta ee daalacda boggeeda ama aqrista waxaana ay codeeyeen ciyaaryahanka sanadkan ku guuleysan doona abaal-marinta Ballon d’Or.

Aqristayaasha codeeyey tiradooda waxa ay la’ekeed 5,500 waxaana codkooda ugu badan ay siiyeen Cristiano Ronaldo, kaasoo ay u arkaan inuu yahay laacibkan sanadkan ku guuleysan doona abaal-marinta Ballon d’Or.

Maalintii Isniinta ahayd ee la soo dhaafay waxaa la shaaciyey liiska xiddigaha u sharraxan abaal-marintan, waxaana hoggaaminayey xiddigo waa weyn oo ay ku jiraan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

64% aqristayaasha jariiradda Marca waxa ay aaminsan yihin in Abaal-marintan uu u qalbo inuu qaato sanadkan weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo, kaasoo sanadkan guulo badan ka qeyb qaatay.

Codeyntan waxaa kaalinta labaad ka soo galay kabtanka xulka qaranka Argentina, una safta kooxda Barcelona ee Lionel Messi, kaasoo codadkii la qaaday helay 26%.

Saddexaad waxaa galay Isco oo helay codad dhan 2%, halka sidoo kale Sergio Ramos, Neymar, Luka Modric, Toni Kroos iyo  Kylian Mbappe ay wada heleen min 1%.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan