Barcelona Iyo Man Utd Oo Xiddigo Is Dhaafsanaya & Jose Mourinho Oo Qorshahaan Hormuud U Ah

0
2035

Jose Mourinho ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu u soo bandhigo kooxda Barcelona Anthony Martial si ay ugu soo warejiyaan Ivan Rakitic.

Martial oo 21 jir ah, ayaa ku soo bilowday afar kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan kooxda Manchester United, waxaana uu dhaliyay shan gool.

Lakiin Booskiisa joogtada ah ee kooxda ayaa waxaa kula dagaalamaya Marcus Rashford oo qaab ciyareed wanaagsan kujira.

Wargeyska Diario Gol ayaa sheegay in Mourinho uu albaabka u furay Anthony Martial inuu u dhaqaaqo kooxda Barcelona, isagoo taa bedelkeeda ka doonaya Ivan Rakitic.

Waxaa la sheegayaa in Mourinho markii ugu horeysay indha indheynayay saxiixa Sergi Roberto, laakiin hadda wuxuu ku darsaday qorshaha Ivan Rakitic.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu haatan doonayaa inuu xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa kadib dhaawaca soo gaaray Paul Pogba.

Tababaraha reer Portugal ayaa taagere weyn u ah xiddiga heerka caalami ee dalka Croatia, waxaana uu diyaar u yahay inuu kusoo bedesho Martial.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan